WARBIXIN BILEEDKA TUSAHA SICIRKA BADEECADAHA

 

Warbixin kooban

Guud ahaan Tusaha Sicirka Badeecadaha (TSB) bishii Maajo 2018 wuxuu ahaa 110.32, halka uu ka ahaa 108.73 bishii Abriil 2018.

Isbedelka labada bilood u dhaxeeya ayaa ah koror dhan +1.46% oo ah heerka cabirka Badeecadaha, inkastoo Tusaha Sicirka Badeecadaha ee bishii Abriil uu kor u kacay +1.25% ee heerka cabirka Badeecadaha. Qaybaha ugu muhiimsan ee kor u kaca ku yimid bishii Maajo ayaa ahaa qaybta Tubaakada iyo Jaadka oo kor u kacay +3.77 % iyo qaybta cuntada iyo cabitaanada caadiga ah oo kor u kacay +2.43% ee heer cabirka Badeecadaha.  Kor u kacaan ku yimid qaybta cuntada iyo cabitaanada caadiga ah ayaa sababay kor kac ku yimid cuntooyinka qaar oo ay saameyn ku yeesheen fatahaadihii ka dhashay webiyada iyo roobabka.

Guud ahaan Sicir Bararka 12kii bilood, laga soo bilaabo Abriil 2017 ilaa Maajo 2018 ayaa kordhay +5.51 dhibcood ee heerka cabirka sicir bararka.

Shaxda 1: Sicir Bararka Tusaha Sicirka Badeecadaha; Maajo 2018 (Dec 2014 = 100)

Heerka sicir bararka bishii maajo waa isbedelka boqolleyda ee Tusaha Sicirka Badeecadaha (TSB) ee 12kii bilood ee la soo dhaafay, Maajo 2017 ilaa Maajo 2018.Dhammaan qaybaha uu ka koobanyahay TSB ayaa kordhay 5.56% ee heerka cabirka badeecadaha 12kii billood ee la soo dhaafay, halkii uu ka ahaa 5.69% bishii Abrill 2017 ilaa Abriil 2018.Dhammaan qaybaha TSB ayaa kordhay bishii Maajo ee sanadkaan 1.46%  marka loo barbar dhigo korarkii bishii Abriil 2018 ee ahaa 1.25%.

Garaaf 1: Sicir bararka sanadlaha ee dhamaaan qaybaha; Maajo 2018 (Dec 2014 = 100)

Sii Aqri